|

Odayaal Shir ay Burco ku qabteen Xukuumadda ugu hanjabay in aanay Xidhi Karin Suldaan Max’ed Muuse Cune DAAWO

Burco 18. January 2018 (SDN/QJ):-Odayaal,Wax garad iyo dhallinyaro ku nool magaaladda Burco ayaa ka hadlay Waaran qabasho ah oo sida ay sheegeen Xukuumadda Somaliland u soo Jartay Suldaan Maxamed Muuse Faarax Cune oo ka mid ah madax dhaqameedka Gobolka togdheer oo todobaadkan warbaahinta ka hadlay.

Waxay Xubnihii kulankaas ka hadlay ku adkaysteen inay taageersan yihiin Hadalka Suldaan Maxamed Muuse Faarax Cune ugu Jawaabay Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Waxayna xuseen in Suldaankii Fidnada kiciyey oo ay uga Jeedaan Suldaan Xasan Suldaan C.laahi iyo kuwo ka horeeyay oo aanay magac dhabin in aan Wax Waaran qabasho ah loo jarin.

Xubnaha Kulankan ka hadlay Waxay sheegeen in aanay aqbali doonin in la xidho Sida ay Yidhaahdeen Suldaan Maxamed Muuse Cune.

Suldaankan ayaa todobaadkan gudihiisa waxa uu sheegay in beesha uu ka soo jeedo ee Galbeedka Burco aanay aqoonsanayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,isagoo ku tiraabay hadalo colaad ka dhex dhalin kara beelaha somaliland.

Comments are closed