|

Qodobbo Xasaasi ah oo Lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Muqdisho 18. January 2018 (SDN/QJ):-Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu ansixiyey Shariciga Shaqaalaha Rayidka ah iyo Tubta Siyaasada Loo dhan-yahay, loogana hadlay arrimo kale.

Shirkii caadiga ahaa ee Golaha Wasiirrada Xukuumada Soomaaliya, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah, Tubta Siyaasada loo dhanyahay, islamarkaasna waxaa looga hadlay arrimo kale oo la xiriira amniga dalka.

Ugu horreyn, Golaha Wasiirrada ayaa soo dhoweeyey Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka cusub ee Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha oo toddobaadkii  hore safar shaqo ku maqnaa.

Wasiirka Amniga iyo Wasiirul Dawlaha Gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey xaaladda amniga dalka oo ay sheegeen in howlgalo lagu sugayo amniga ay si xowli ah u socdaan islamarkaasna lagu guuleystey Labaatan (20) maleeshiyad Al-Shabaab ah in la soo qab-qabtay. Sidoo kale Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay kormeer uu 17-kii Janaayo ee 2018 ku tagey degmada Balcad si’uu ugu kuur galo xaalada amaan ee deegaankaasi, una dhiiri geliyo ciidamada sugaya amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha warbixin kasiiyey shirka Iskaashiga Dhaqaalaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ka dhacay dalka Turkiga oo ay labada dal soo kala saxiixdeen heshiisyo muhiim u ah koboca dhaqaalaha Soomaaliya oo Turkigu ay diyaar u yihiin in badeecooyinka Soomaaliya loo suuq geyn doono dalkooda, iyadoo labada dal ay kawada shaqeynayaan sidii canshuur dhaaf loogu sameyn lahaa badeecooyinka laga dhoofiyo Soomaaliya. Wasiir Maareeye ayaa xiriiriye u noqonaya labada guddi si loo dar-dargeliyo dhaqan gelinta heshiisyadaas oo 1-da ilaa 4-ta Feberaayo la sameyndoono carwo lagu soo bandhigo badeecadaha Soomaaliya.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda ayaa kawarbixiyey xaalada maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran India oo 43 ka mid ah xabsiga laga soo daayey oo dawladda Federaalku ay u diyaarineyso diyaarad lagu sooqaado si ay u yimaadaan dalkoodii hooyo. Sidoo kalena maxaabiista harsan ayaa la soodeyndoonaa bisha Febraayo. Dawladda ayaa ku dadaaleysa sidii muwaadiniinteeda ugu gurman laheyd.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ayaa ka faah-faahin ka bixiyay xaalada saadka iyo qiimeynta ciidanka, waxuuna tilmaamy inay u diyaar-garoobeen howlgalada kooxada argagaxisada ah looga si feynayo dalka, sdioo kalena waxuu sheegey inay meel fiican u marayaan in la soo gabo gabeyn doono dagaalka Alshabaab.

Wasiirka Haweenka & Xaquuqul Insaanka ayaa ka warbixisay xulista Guddiga Madaxabannaan ee Xaquuqul Insaanka iyo heerarkii uu soomaray oo guddi 19 xubnood ah ay soo xuleen iyadoo araajidii soo dalbatay ay ahaayeen 615, kadibna xulis lagu sameeyey lagana soo reebay 74 xubnood iyadoo ay goob joog ahaayeen xubno ka socda G/Shacabka iyo Aqalka Sare, Bulshada Rayidka ah iyo beesha caalamka oo ay kormeerayeen sida daah furnaanta ah ee ay xulistu u socotay. Ka dib 45 ayaa u soo gudbay heerka xulashada oo xog-wareysi lala yeeshay lagana soo xulay xubnihii noqon lahaa Guddiga Xaquuqul Insaanka oo marka ay soo dhameystiranto la horkeeni doono golaha wasiirada kulamadooda dmbe si loo ansixiyo.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah oo uu sheegay in wax-kabedelkii wasiiradu horey u codsadeen lagu soosameeyey, lagalana tashaday khubaro sharciyaqaano ah. Dood dheerka dib Golaha Wasiirada ayaa si’aqlabiyad ah u ansixiyey sharciga Shaqaalaha Rayidka ah.

Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan soo celinta adeega .SO oo dhowaan lagu soo wareejindoono gacanta dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay guddi heer sare ah oo loo xilsaaray ay dadaalo farabadan ka dib in ay ku guuleysteen in la isla oggolaaday in dhowaan la soo wareejiyo adeegaas oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa golaha siiyey warbixin ku aadan Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo Guddi Hoosaadka G/Wasiirada ay muddo ka soo shaqeynayeen. Khubaro ka socota Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey tubta Siyaasada loo dhanyahay oo qeexeysa waqtiyeynta la rabo in la soo gabo-gabeeyey hawlaha xasaasiga ah ee siyaasada dalka, si loo qabto doorashooyin hal cod iyo hal qof ah sanadka 2020ka. GolahaWasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey Tubta Siyaasada loo dhanyahay oo muhiim u ah geedi socodka doorashooyinka dalka ee 2020ka.

Comments are closed