Uncategorized

Puntland Oo Ebolaha ka Gaashaamatay Xilli Somaliland Gacmuhu wali U Laaban Yihiin

​Garowe:Oct,19,2014(SDN/QJ)-Maamulka Puntland, ayaa wada Tallaabooyin uu inta Taagtiisa ah kaga gaashaamanayo Cudurka Halista dunida ku haya ee Ebola oo dalal geeska afrika kamid ah si weyn loogu sheegayo.

eenWasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa ka hadashay dadaalka ay ugu jiraan sidii looga hortagi lahaa khatarta uu wato cudurka EBOLA, waxana ay ku jiraa dedaalkii cudurkan loogaga tabaabulshoon lahaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr C/risaaq Xirsi Xuseen ayaa faafaahin ka bixiyey dadaalka ay ugu jiraan ka hortaga cudurka EBOLA, Agaasimaha waxa uu sheegay in ay la soconayaan socdaalka dadka Soo gala Puntland iyagoo gacan ka helaya Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya oo ay wadashaqayn ka leeyihiin Cudurkan.

Mar uu ka hadlayey kulan ay wada qaateen Madaxda wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayuu sheegay Dr C/risaaq in ay isla qaateen in si xoogan loola socdo dhaqdhaqaaqa Garoomada Diyaaradaha Soomaaliya, Dekedaha, Kantaroolada baabuurta iyo Xuduudaha Soomaaliya.

Somaliland oo iyadu ganacsi xooggan la leh Ethiopia oo cudurkan lagu sheegayo, ayaan wali hal tallaabo oo cudurkan lagaga hortegayo qaadin, waxana ay dedaalka caalamku ku jiro ku daawanaysaa Fadhi kaliya.

Masuuliyiinta caafimaadka oo uu ugu horreeyo wasiirku ayaa ku mashquulsan shaqooyinkooda gaarka ah, waxana ay u muuqdaan qaar indhaha ka qarsanahay halista bulshadooda kusoo fool leh, waxana arrintaas si weyn uga niyad jabsan shacabka oo iyagu baqdin badan ka qaba xanuunkan sida fudud u gudbiya, isla-markaana dalalka awoodda leh kaga qalisiinaya.

Cudurka EBOLA oo si aan joogsi lahayn uga faafay Galbeedka Africa laguna arkay qaarka mida dalalka reer galbeedka kiisas dhowr waxaa cabsi badan ka muujiyey guud ahaan caalamka waxaana dalkasta uu xaqiijinayaa caafimaadka dadkiisa iyadoo ay socdaan tijaabooyin kala duwan oo ay wado hay’ada Caafimaadka Aduunka WHO.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com