|

Qaabka ay Beri u Dhici Doonto Munaasibadda Dhaarinta Iyo Xil La Wareegista Madaxweynaha Cusub ee Somaliland DAAWO

Hargaysa 12. December 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Somaliland Beri Subax ka dhici doonta Munaasibad Taariikhi ah iyadoo Madaxweynihii Taladda dalka soo hayay 7 Sano ee u danbeeyay Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Xilkii iyo Hogaaminta qaranka ku wareejin doona Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dhacdada taariikhiga ah ee ku lamaan Munaasibadda Xil Wareejinta iyo Dhaarinta Madaxweynaha Cusub ayaa ah in Markii Kowaad ay Madal isugu Iman doonaan Sadex Madaxweyne oo talada dalka isaga danbeeyay Kuwaas oo kala ah Madaxweynihii Sadexaad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin,Madaxweynihii afaraad ee Somaliland ahna Madaxweynaha Xilka banaynaya Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynaha shanaad ee Somaliland ee beri la dhaarin doono Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Comments are closed