|

Madasha Xil Wareejinta Iyo Dhaarinta Madaxweynaha Cusub ee Somaliland & Dareemada Maanta ee Somaliland

Hargaysa 13. December 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Somaliland Saaka ka dhici doonta Munaasibad Taariikhi ah iyadoo Madaxweynihii Taladda dalka soo hayay 7 Sano ee u danbeeyay Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Xilkii iyo Hogaaminta qaranka ku wareejin doona Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Dhacdada taariikhiga ah ee ku lamaan Munaasibadda Xil Wareejinta iyo Dhaarinta Madaxweynaha Cusub ayaa ah in Markii Kowaad ay Madal isugu Iman doonaan Sadex Madaxweyne oo talada dalka isaga danbeeyay Kuwaas oo kala ah Madaxweynihii Sadexaad ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin,Madaxweynihii afaraad ee Somaliland ahna Madaxweynaha Xilka banaynaya Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynaha shanaad ee Somaliland ee Maanta la dhaarin doono Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Waxaa la filayaa in Munaasibadda Boqran ee Saaka ay ka qayb gali doonaan Shantii Madaxweyne ku xigeen ee Somaliland mudadii ay Jirtay ay Yeelatay oo kala ah Mudane Xasan Ciise Jaamac,Mudane C.raxmaan Aw Cali Faarax,Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici oo mar labaad ku guulaystay Doorashadii Jagada Madaxweyne ku xigeen ee Somaliland.

Dhanka kale 7 Sanno iyo Dheeraad ka hor Maalin Salaasa ah 27-kii Bishii July ee sannadkii 2010 ayuu Madaxweynaha xilka ka degaya maanta mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Waxa uu Xilka Hogaaminta qaranka kala wareegay Madaxweynihii ka horeeyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Geesta kale Munaasibadda Dhaarinta iyo Xil la wareegista Madaxweynaha Cusub ee Somaliland oo ka dhacaysa barxad aad looga shaqeeyay oo ku dhex taal qasriga Madaxtooyadda Waxaana ka qayb geli doona in ka badan Kun iyo Shan boqol oo Marti ah oo markhaati ka noqon doona Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha 5aad ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Kuwaas oo ah Wufuud ka kala socda Dalalka Jabuuti,Itoobiya, Kenya, ergo ka socota dalalka Midowga Yurub iyo Maraykanka,Warbaahin Caalami ah iyo Kuwa Maxaliga ah ee Somaliland.

Xisbiyada Mucaaridka qaarkood ayaa Ku gacan-saydhay inay ka qayb-galaan,gaar ahaanna Xisbiga Waddani oo ka biyo-diidsan natiijadii Doorashada.

Tirada Warbaahinta xaflada ka Soo waramaysa aad ayaa loo xaddiday.

80% warbaahinta gudaha oo u badan Wargeysyada madaxbaan iyo Wakaaladaha Wararka waa loo diiday inay Wariyeyaal ka socdaa Xaflada ka qayb-galaan, si ay Bulshada ugu soo gudbiyaan Musawir dhab ah oo qurux badan.

8 Telefiishan oo Qalabka Warbaahinta ee Dawladda lagu xidhiidhin doono, ayaa si toos ah u soo gudbin doona Munaasibadda oo ka dhacaysa barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada.

Lama ogga sababta ilaa heerkaa loo xaddiday Warbaahinta, hase ahaatee waxay taasi nusqaan Ku tahay mustawaha iyo musawirka ay leedahay leedahay xafladdaasi. Waxaanay meesha ka saaraysaa xog badan oo qaybaha Saxaafaddu Bulshada u Soo gudbin lahayd.

Comments are closed