|

Qaramada Midoobay Oo Shaacisay In 15-kun Oo Dagaalyahanno Shisheeye ahi Ku Biireen Kooxda Daacish

Washington:Novem,012014(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay, ayaa soo saartay Warbixin ay ku shaacinayso tiro sii  kordhaysa oo kamid ah Dhallinyaro jibaysan oo si joogto ah ugu biiraysay Ururka Awoodda Badan ee Daacish.

wariWarbixintan oo ah mid  cusub, ayaa waxa lagu sheegay in shan iyo toban kun oo qof ay ilaa imika u safreen Suuriya iyo Ciraaq si ay ugu biiraan kooxda Daacish iyo dagaalyahanada kale ee Jihaad doonka ah.

Warbixintan oo loo gudbiyey Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in dadkan ku biiraya kooxahan ay ka soo kala jeedaan in ka badan sideetan wadan.

Qaar ka mid ah waddamada ayaa waxa la sheegay in ay yihiin kuwa aanay weligood hore u soo marin khatar dhinaca argigixisada ah.

Warbixinta ayaa waxa lagu sheegay in halista ka dhalan kartaa arrintan ay si dhaqsa ah ugu fidi karto waddamada ku yaala Yurub, Asia iyo Afrika.

Warbixintu waxa ay intaasi ku dartay in dagaalyahanadan loo tababarayo sida loo sameeyo bambooyinka iyo waxyaabaha qarxa.

Kooxda Daacish, ayaa tan badhtamihii sanadkan waxa ay gacanta ku dhigtay dhul balaadhan oo ku yaala Suuriya iyo Ciraaq.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed