New York:June,19,2015(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay, ayaa Xafiiskeeda Somalia ee UNSOM usoo magacowday Danjire-ku-xigeen cusub oo lagu magacaabo Peter De Clercp, iyadoo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon uu qalinka ku duugay Magacaabistaas.
Mr Ban ayaa warbixintiisa ku sheegay in Sidoo kale de Clercq,uu u shaqeyn doono isu- duwaha Qaramada Midoobay, ahna Xidhiidhiyaha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey iyo Barnaamijka Horumarinta (UNDP).
Mas’uulkaan cusub ayaa u dhashay dalka Netherland,wuxuuna bedelayaa Philippe Lazzarini oo ka soo jeeda dalka Switzerland,,kaasi oo dhawaan banneyn doona booska,isagoo la sheegay inuu ku biirayo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Lebanon.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki-moon ayaa uga Mahad celiyay Philippe Lazzarini shaqadii adkeyd ee uu ka qabtay Soomaaliya.
Sidoo kale,Sarkaalka cusub de Clercq ayuu u rajeeyay inuu khibradiisa ku biirin doono maareynta habka siyaasada,hormarinta amaanka iyo maareynta howlgalada deg dega ah iyo kuwo kale oo fara badan oo ka jira Soomaaliya.
Danjire Peter de Clercq,ayaa shaqooyin badan ka soo qabtay Qaramada Midoobay,isagoona soo noqday Kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Howgalka xasilinta dalka Haiti.
SDN/QJ
