|

Qaramada Midoobay oo wax laga weydiiyey taageeradooda  Abaaraha daba dheeraaday ee ka taagan Geyiga Somaliland

New York 15. February 2016 (SDN/QJ):-Qaramadda Midoobay ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka taagan wadammo Somaliland ka mid tahay iyo mowqifkooda taageero ay ka geystaan wax-ka-qabashada xaaladaha haysta bulshada ay saamaysay.

 

AbaarAfhayeenka Qaramadda Midoobay Mr. Stéphane Dujarric iyo Ergeyga Xoghayaha QM u qaabilsan Arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadminimada  Mr. Stephen O’Brien oo dhowaan wadajir shir jaraa’id ugu qabtay xarunta QM ee New York ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka taagan wadammo Somaliland ka mid tahay iyo qorshahooda taageero.

 

Su’aalo weriye Maxamuud Walaaleye, oo wargeyska Himilo ka tirsan ka weydiiyey Afhayeenka Xoghayaha QM iyo  Ergeyga xoghayaha QM u qaabilsan Arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadminimada Mr. O’Brien oo la xidhiidhay qorshahooda ku waajahan xaaladaha abaareed ee ka taagan Somaliland iyo inay sanduuqa xaaladaha degdega ka caawin karaan sidii hore loogu caawiyey abaaraha dalka Itoobiya, ayey ka bixiyeen jawaab.

 

Weriye Mathiew Lee oo ka tirsan wakaalada wararka Inner City Press, wada shaqeyna wadaagaan weriye Maxamuud Walaaleye oo weydiiyey “Somaliland waxa ka taagan xaalado abaareed, sida hay’ada FAO iyo kuwo kale u shaaciyeen, dad baa isweydiinaya, maxaa hortaagan inaad sdii Itoobiya uga caawisaan sanduuqa xaaladaha degdega, ma waxa jira arrimo siyaasadeed hortaagan, maxaad ka odhan lahayd? Ayaa Ergeyga Xoghayaha QM u qaabilsan Arrimaha Gargaarka iyo Bani’aadminimada Mr. Stephen O’Brien sheegay inaanu jirin arrimo siyaasadeed oo hortaagan taageero Somaliland hesho.

 

Mr. O’Brien oo ka jawaabayey ayaa yidhi, “Ma jirto haba yaraatee arrimo siyaasadeed oo hortaagan intaan la socdo, waxaana jira ilaa toban qoraal oo lagu codsanayo taageero laga geysto sida warbixintii FAO, oo ka hadlaysay halista cunto-yaraan iyo macluusha ka taagan meelo ka mid tahay Somaliland iyo Puntland, markaa inkastoo xog-ogaal u nahay muhiimadu waa inaan hayno dhaqaale loo qoondeeyo, waxaan xaqiijinayaa in marka ugu horeysa ee dhaqaale aanu helo in wax lagaga qaban doono

Comments are closed