|

Qaramadda Midoobay oo ka Dalbatay Kuuriyadda Waqooyi inay ka Fogaato Wax kasta oo Dagaal Sababi kara & Baqo ka Warwarka soo Food saaray

Pyongyang 10. December 2017 (SDN/QJ):-Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa madaxda Kuuriyada Waqooyi u sheegay in “si degdeg ah” loogu baahan yahay in la ilaaliyo khadadka looga fogaanayo halista dagaal in uu dhaco.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa imanaya ka dib markii Magaaladda Pyongyang uu booqday Jeffrey Feltman oo ah sarkaalkii ugu sareeyay ee Qaramada Midoobey ee booqda dalka go’doominta lagu hayo muddo lix sanno ah.

Kuuriyada Waqooyi waxay sheegtay in ay ogolaatay in si joogto ah ay xidhiidh ula sameyso Qaramada Midoobey.

Xiisadda ka dhalatay hubka halista ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sare u sii kacday ka dib markii ay tijaabisay gantaal caag ka sameysan oo ah nooca qaaradaha isaga gudba.

Maamulka Pyongyang ayaa sheegay in gantaalka uu ahaa midkii ugu hormarsanaa, kaas oo lagu duqeyn karo dalka Mareykanka.

Tijaabada waxay qeyb ka ahayd tijaabooyiin joogto ah oo Kuuriyada Waqooyi ay ku sameyneysay nukliyerkeeda iyo gantaallada xambaari doona. Waxayna tallaabooyiinkaasi oo dhan jawaab u yihiin cunna qabateynta Qaramada Midoobey.

Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa dhankooda sameynaya dhoolatus militari oo awooddooda ay ku muujinayaan.

Kuuriyada Koonfureed waxay sheegtay in ay ku biirayso Mareykanka iyo xulafadiisa oo cunna qabateyn dheeraad ah saaraya Waqooyiga Kuuriya.

Labaatan shirkadood iyo 12 qof ayaa lagu daray diiwaanka cunna qabateynta oo Axadda maanta ah dhaqan gali doono.

 

Tallaabada maamulka Seoul waa middii labaad oo bil gudaheed la qaado, waxaana laga damacsan yahay in laga jaro dakhliga caalamka ee caawin kara horumarinta nukliyerka Kuuriyada Waqooyi, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi.

 

Cadaadiskan wuxuu dheeraad ku yahay cunna qabateynta uu Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey saaray maamulka Kim Jong-un.

Comments are closed