|

 “Qarankani Waxa Uu U Baahan Yahay Is Baddal Siyaasadeed Oo Ku Dhisan Barnaamij Siyaasadeed Oo Ka Turjumaya Baahiyaha Qarankan Waxaana Soo Wada WADDANI…” ……Aqoonyahan Xamse C/raxmaan Khayre

Hargaysa 21.October 2016 (SDN/QJ):- Qaar Ka Mid Ah Labeenta Dhallinyarada iyo Aqoonyahanka kasoo jeeda Gobolka Gabiley oo uu hormuud u yahay Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa si weyn uga dhex muuqday Furitaankii shirweynaha 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo xafladdiisa Ballaadhan shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

14800938_10153968818072644_1598931176_n-1Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo ka mid ah Masuuliyiinta Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI kana mid ah xubnaha aqoonyahanka ah ee sida weyn looga yaqaano bahda aqoonyahanka dalka saamayn weyna ku leh Gobolka Gabilay ayaa shalay mar uu kula hadlayay Wargeyska Foore madasha shirweynaha 1aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI waxa uu bogaadiyey isbaddalka ballaadhan ee ka muuqda xisbigiisa WADDANI isaga oo si gaar ah uga hadlay oo sheegay in is baddal ku dhisan barnaamij siyaasadeed iyo waxtar umadeed uu dalkani u baahan yahay xisbiga WADDANI na ka shaqayn doono xaqiijinta himiladaasi.

Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre waxa uu sheegay in Gobolka Gabilay oo ah kan ugu dakhliga badan Gobolada Somaliland marka laga yimaad Gobolka Saaxil uu dib u dhac badani ka muuqdo loona baahan yahay in umadda Gobolkaasi degta siyaasad ahaan iyo horumar dhaqan dhaqaale loo gaadhsiin lahaa iyada xukuumadihii kala dambeeyey si weyn u hagradeen wakhtigana la gaadhay wakhtigii ay aqoonyahanka Gobolka ka soo jeedaa ka shaqayn lahaayeen horumarkiisa gaar ahaan iyo guud ahaan Horumarka dalka.

“Xisbiga WADDANI waa xisbiga kaliya ee leh barnaamij qoran oo lagula xisaabtami karo laguna dooran Karo xilli doorashada shanta Bilood ka hadhsan Yihiin. Sannad ka hor ayuu dadwaynaha ugu soo gudbiyay Xisbigu si ay uga baaraan dagaan ugana qayb-galaan oo talooyinkooda ugu daraan” Ayuu yidhi Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

Comments are closed