Uncategorized

Qarax Muqdisho Ka Dhacay Oo Lagu Dilay Sarkaal Katirsan Ciidanka Militeriga Somalia

Muqdisho:Jan,16,2015(SDN/QJ)-Agagaarka Xerada 77-ka ee Degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho, ayaa xalay wax aka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay Gaadhi uu watay Sarkaal Ciidanka ka tirsani.

rysQaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaa waxaa lagu soo xidhay gaadhi  uu watay mid kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka Militariga ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsanaa CXD.

Inta la Ogyahay Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ninkii gaadhiga iska lahaa, sidoo kalana waxaa ku dhaawacantay saddex ruux oo kale, oo middi la sheegay inuu ahaa askari ka tirsan Ciidanka Militariga Somaliya.

Ugu dambeyntii, Saraakiisha Dowladda ee ka howlgala Gobolka Banaadir ayaan weli wax war ah kasoo saarin qaraxa khasaaraha geystay, ee xalay ka dhacay Caasimada.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com