Uncategorized

Warar Dheeraad ah Oo Laga Helayo Markab Kalluumaysi Oo Soo Galay Gacanta Dawladda Somlia Iyo Qiimaha Kalluunka Dushiisa Saaran

Muqdisho:Jan,16,2015(SDN/QJ)-Markab si sharci darro ah uga kalluumaysanayey xeebaha Somalia, ayaa waxa Gacanta ku dhigay Ciidanka Badda ee somalida, waxana soo baxaya warar dheeraad ah oo markabkaas laga helayo.

trgSida ay sheegayaan wararka aanu haynaa waxa uu markabkani si lama filaan ah ugu soo xidhay Meel u dhaw dekedda Muqdisho, waxana uu dalbaday caawimaad, iyagoo shaqaalaha saarani ku andacooday in shidaalkii iyo sahaydiiba ka go’een.

Axmed Max’ed Isaaq oo ah Agaasimaga Guud ee Kaluumeysiga iyo kheyraadka dalka ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigto Markab si sharcidaro ah uga Kaluumeysanayay Biyaha Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Axmed Max’ed Isaaq in Markabka ay saaran yihiin shaqaalo gaadhaya 37-shaqaale oo la shaacin halka ay u dhasheen iyo 130-tan Markabka saarnaa.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in markabkan uu si sharci dara ah uga kalluumeysanayay xeebaha wadanka Soomaaliya, baadhitaankiisana loo xil saaray Isaga, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,iyo Hanti dhowrka.

Dhanka kale, Guddigaasi ayaa sheegay in maxakamad la horgeyn doono shaqaalaha markabka iyadoo kulluunka Markabkaasi saaranna lagu Qiimeeyay Lacag dhan 1,700 (Hal milyan iyo Todoba boqol oo Kun) dowladda Soomaaliyana ay la wareegi doonto.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com