Hargaysa 09.Jan.(SDN)
Hal qof ayaa inta la ogyahay ku geeriyooday Magaalada Saylac kadib Markii uu Salaadii Subax markii laga soo baxay ay Ciidamada qaranku damceen inay ka dareeriyaan dad u hoyday Xarunta Dawlada Hoose oo la filayo inay maanta ka dhacdo xaflad Xil wareejinta Golaha Deegaanka ee Cusub ,Goob joogayaal ku sugan Gudaha Magaalada Saylac ayaa u xaqiijiyay Shabakada SDN in gacan ka hadalkani uu salka ku hayo Muranka ka dhex taagan labada beelood ee Wada dega magaaladaas.
Xaalada Magaalada Saylac ayaa warku sheegayaa inay aad u kacsan tahay.
Wixii Warar ah ee ka soo kordha Magaalada Saylac dib ayaanu idiinka soo Gudbin doonaa.
Hargaysa SDN
