|

Qof Somali ah iyo Laba Kenyaan ah oo ku qudh baxay Qulqulada Dagaal ee Konfurta Sudan

Juba 19.Dec 2013 (SDN)-Qof Soomaali ah iyo labo Kenyan ah ayaa maanta lagu dilay magaalada Bor ee caasimadda gobolka Jonglei ee dalka Koonfur Sudan.

juba-300x200Cabdiweli Xasan Xuseen (Fadiilatuhu) oo ku sugan dalka Koonfur Sudan ayaa sheegay in dadka la dilay ay u shaqeynayeen shirkad shidaal oo lagu magacaabo Trojan oo xarumo badan ku leh gudaha Koonfur Sudan.

Wuxuu tilmaamay inay la socdeen booyad kuwa shidaalka qaada, taas oo la dhacay kaddib markii la dilay dadkii saarnaa.

Fadiilatuhu ayaa intaas raaciyay in laga yaabo in tirada dhimashada Soomaalida ay intaas ka badnaan karto.

Labo qof oo kale oo Soomaali ah ayuu sheegay inay ku dhinteen labo maalin ka hor xaafadda Gudele ee magaalada Juba, kaddib markii uu Axaddii dagaal ka billowday magaaladaas.

Dalka Koonfur Sudan waxaa ka socda dagaal u dhexeeya dowladda iyo kooxo ka soo horjeeda, waxaana ku dhintay in ka badan 500 qof.

Juba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed