|

Qoys ay La Kulantay Dhacdadii Ugu Naxdinta Badnayd ee Abaarihii Somaliland soo Maray ,Caawimo Gaadhay & Fariin Xukuumadda iyo Shacabka Somaliland Loo Diray DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Gudoomiyaha Xarunta Dhimirka ee Sahan Mr Bashiir Maxamed Jaamac ayaa deeq Kaalmo Kala duwan ah gaadhsiiyey qoys danyar ah oo Ku nool Caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

Qoyskan oo Ka Koobnaa Sagaal Qof 7 Caruur ah iyo Waalidkood ayaa Shan ka mid ah Caruurtaasi ay ku geeriyoodeen Xaaladii adkayd ee abaarta Halka labada Soo hadhay ay Xanuunsanayaan,waxaa ka damqaday bulshada xaafadaasi ku dhaqan waxaa loo uruuriyey Qaadhaan Lacageed oo Qorshuhu yahay Sidii Dhul loogu iibin lahaa isla markaana loogu dhisi lahaa.

Hasa yeeshee Qof kasta oo damiir leh isla markaana ka qayb qaadanaya camalkan wanaagsan ee is caawinta ah ayaa guddida hawshan gacanta ku haysaa ay soo dhawaynayaan.

Comments are closed