|

“Waxa la Foojariyeeyey Sexeexayga, Maamulka ayey Taasi ka dhacday..” Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Hargeysa DAAWO

Hargaysa 29. January 2018 (SDN/QJ):-Xoghayaha Fulinta Dawladda hoose ee Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale, ayaa sheegay in Saxeexiisa la Foojari-gareeyey, isla markaana loo adeegsaday Hanti Umaddadeed oo la Musuqmaasuqayo ama siyaabo gaar ah loo lunsanayo.

Cali Xasan Cawaale oo qaar ka mid ah Warbaahinta Maanta kula hadlay Xafiiskiisa Xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, ayaa soo bandhigay Faylal uu ku yaallo Saxeexiisa oo la Foojari-gareeyey ama la Been-abuuray, oo laga dhigayo inuu isagu saxeexay, balse wax uu ka ogyahay iyo meel uu isagu Faylasha uu soo bandhigay ku saxeexay toona jirin. Waxaanu intaas ku daray in Cidda waxaa samaynaysaa tahay Maamulka dawladda Hoose ee isaga ka sarreeya.

Xoghayaha Fulinta dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale oo Beryahan dambe Khilaaf xooggani ka dhex-taagnaa Maayerka Caasimadda ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), waxaanannu Xoghaye Cawaale oo Shirkiisa Jaraa’id kaga hadlaya Saxeexa iyo Shaabbadda la Foojari-gareeyey ee uu Faylasha loo adeegsaday ku soo bandhigay idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed