|

Qoys Laascaanood degan oo Ummadda ka codsaday inay la bixiyaan Deyn dhan $180 KUN oo loo haysto

Laas-caanood 8. February,2016(SDN/QJ):–Hooyo Ruun Kaariye ayaa ummada islaamka ka codsatay inay ka soo caawiyaan deyn fara badan oo loo haysto, ka dib markii inankeeda oo hayey xanuunsaday.

Qoyskan oo war Baahinta Gobolka Sool lahadlay ayaa sheegay xili ay ku wehelinayeen qaar kamida Culimada Laascaanood iyo dad qaraabo la ah  In loo haysto lacag dhan $ 180 kun oo Dolar.

Qoyskan ayaa sheegay in sababta loogu haysto lacagta tahay dayn,wiil ay dhaleen oo magaalada Boosaaso ka ahaa dilaal Baabuurta Laascaanood iyo Ceerigaabo iyo Buuhoodle Soo rarraa lagu yeeshay

Hooyada iyo Aabaha wiilkan dhalay ayaa sheegay in uu xanuun saday wiilkooda oo Lagu magacaabo Aadan Maxamed Cali (Aadan Hooyo) xanuunkaa oo ahaa mid mar kaliya la arkay isaga oo kamaqan goobtiisi shaqo, waxaana la wayay guud ahaan lacagihii uu gacanta ku hayay,

Waalidkan ayaa sheegay in uu wiilkoodi haatan uu kujiro  Cusbitaal Xaaladiisa Caafimaad lagu daawaynayo wax ay   guud ahaan dadka muslimka ah ka codsadeen in ay soo Caawiyaan dayn taasna ka dulqaadaan,

Culimada Laascaanood ayaa guud ahaan dadka ugu baaqay in Dayntaas loo uruuriyo reerkaa qaylada soo gaarsiiyay muslimiinta Lagana Soo Caawiyo,

Sidoo kale dadweynaha muslimiinta ayaa laga codsaday qofkii wax u taraya qoyskaa uu ku soo hagaajiyo lambarada hoos ku qoran.

Hooyo Ruun kaariye +252-634901168
Aabaha wiilka Dhalay +252- 634205308
Sh,Siciid Axmed Cadar +252-634496906
Cabdilaahi Cali Xaaji Siciid +252-634499582

Comments are closed