Beijing April 10,2012(SDN0-Waxa dhawaan kulan qado sharaf ah oo ka dhacay caasimadda dalka Shiinaha wada yeeshay Qunsulka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane iyo Wasiirka Arrimaha Debadda dalka Shiinaha Mr.Yang Jiechi
Kulankaas oo looga hadlay arrimo la xiriira xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Shiinaha, sidoo Qunsulka Soomaaliyeed, ahna ku xigeenka Madaxa Safaarada Soomaaliya ee dalka Shiinaha Mudane Cawaale Cali Kullane ayaa gaarsiiyay Madaxda Wasaaradda Arrimaha Debadda dalka Shiinaha salaan diiran oo uu ka siday Madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed.
Sidoo kale wuxuu Mudane Kullane kala hadlay arrimo badan oo quseeya isku xirnaanta labada dal iyo horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb qaadashada iyo door ku yeelashada Shiinaha nabadaynta dalka Soomaaliya iyo guulaha Dawlada Soomaaliya ay ka gaartey gobalada dalka iyo la-dagaalanka argagixisada caalamka iyo burcad badeedda.
Intaas kaddib ayay dawladda Shiinaha ballan qaaddey in ay si xoojin doonto wada shaqeynta iyo taageeridda Dawlada Soomaaliya arrimahan oo sidoo kale ay dhowaan ka wada hadleen Madaxweynaha dalka Shiinaaha Hu Jintao iyo Danjire Yusuf Hassan Ibrahim Yusuf dheeg.
SDN-Beijing
