Uncategorized

Qaraxyada lala beegsado Dhuumaha Shidaalka Masar oo sii kordhaya

Qahira April 10,2012(SDN)-Dhuumaha Gaaska u  kala qaada dalka Masar,Israa’iil iyo Urdun  ee marta  woqooyiga Siinay  ayaa markii afar iyo tobnaad  la qarxiyey tan iyo markii kacdoonka shacbi talada lagaga qaaday madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni mubaarik, iyada oo qaraxan aan la aqoonsan  ilaa hadda cid  gaysatay.

Wararku waxa ay sheegayaan in qaraxan I uu ka dhacay woqooyiga siinay  jiida laga  galo magaalada al-cariish.waxaanay dadka magaaladu u sheegeen wakaaladda wararka ee Routers  in ay maqlayeen  dayaanka qaraxaasi lala beegsaday dhuuntaasi gaaska qaada dalka masar gaysana  dalalka israa’iil iyo Urdun.

Qarxinta dhuuntan gaaska qaada ee marta  woqooyiga  jasiirad la mooda siinay ilaa hadda ma jirto koox sheegatay in ay iyagu ka danbeeyeen  qarxinta dhuuntaasi. Sida la og-yahayna waxa dhuuntan  la xidhay  bishii march ee la soo dhaafay, iyada oo dhuuntani ay noqotay mid  lala bariinsaday  qarxintaasi.

Dhinaca kalena heshiiska  Gaasta israa’iil u gudbiso israa’iil oo labada dhinac ay kala saxeexdeen waqtigii dalkaasi uu ka talinayey Madaxweynihii hore ee la riday xusni mubaarik, ayaa heshiiskaasi waxa uu yahay mid aan shacbiyad badan oo ku qanacsan ku lahayn dalka Masar, iyada oo ay shacabka reer masar  rumaysan yihiin in aan Qiime  haboon  aanay israa’iil ku qaadan  Gaasta masar u gudbiso.

Masuul ka tirsan wakaaladda Gaaska  ee Dalka Masar  ee iyadu dhuuntaasi  maamusha  ayaawaxa uu sheegay in qaraxyada dhuuntaasi lala beegsaday ay dalka masar u soo jiiday inuu ku yimaado khasaare  gaadhaya hal bilyan oo Gini una dhigma  boqol iyo lix iyo lixdan malyuun oo dollar.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com