|

Ra’iisul wasaare Saacid iyo Xubno katirsan golihiisa oo booqday Isbital Madiina

Muqdisho Jan 31 2013 (SDN)– Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan golahiisa Wasiirada ayaa saakay waxa ay booqdeen Isbitalka Madiin ee Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan bukaano farabadan.

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Gaashandhigga, Wasiirka Warfaafinta, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo saraakiil kale ayaa waxa uu mid mid u salaamay intabadan bukaadana ku jira Isbitalka qeybihiisa kala duwan.

Mr. Saacid ayaa qaar kamid ah bukaanada la sheekeystay waxana uu u sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay la socoto xaaladooda islamarkaana ay caawin doonto inta karaankeeda ah.

Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa warbixin Isbitalka ku saabsan ka dhageyste Agaasime Maxmed Yuusuf waxana uu Ra’iisul wasaaraha u sheegay in Xukuumadu ay wax ka qaban doonoto daruufaha ka jira Isbitalka, ayna ka qeyb qaadan doonto hormarintiisa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabadi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maalmahan sameeyay kormeero iyo booqashooyin uu ku tagayo goobaha muhuumka u ah shacbiga Soomaaliyeed isagoo dadka u dhiira galinaya in Madaxda dalka aysan ka fogeyn oo ay kolkasta dhinacooda taagantahay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed