|

Shil gaari oo qasaaro geystay oo ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho Jan 31 2013 (SDN)– Shil gaari oo qasaaro geystay ayaa xalay waxa uu ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal ah noo xaqiijiyeen.

Inta la ogyahay 2-ruux ayaa ku geeriyootay shilkaasi ku dhawaad toboneeye kalana waa ay ku dhaawacmeen kuwaas oo qaarkood lag deyrinayo xaaladooda dhawac ahaansho.

Shilkan gaari ayaa yimid sida qof goobjooga ahaa uu nooxaqiijiyay kaddib markii gaari Nuuca Soomaalidu taqaan BG uu ku rogmaday Meel u dhaw garoonka Diyaaradaha ee Cisaley ee duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga rogmaday ayaa ka yimid degmada Warsheeq ee gobolka Sh/dhexe waxaana uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyadoo dadkii dhawacmay la dhigay Isbitalka Kaysaney ee Magaalada Muqdisho.

SDN-Muqdosho

Comments are closed