|

Ra’isul Wasaare Kheyre oo looga yeeray Villa Hargeysa iyo Su’aalo adag oo la weydiin doono

Muqdisho 26. April 2017 (SDN/QJ):-Gudoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre si su’aalo adag looga weydiiyo qorshaha dhismaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya oo muran badan dhaliyay.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa caawa loogu yeeray in uu kasoo qeyb galo kulan su’aalo lagu weediinayo oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka ka qeyb gali doona Guddoonka Baarlamaanka, Guddoomiyeyaasha iyo xubnaha Guddiyada Difaaca iyo Arrimaha Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka caawa ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa ayaan lagu casuumin Warbaahinta, waxa uuna kulankan noqon doonaa mil albaabada u xiran yihiin oo Xildhibaanada Baarlamaanka su’alao badan ka weydin doonaan R/Wasaaraha qorshaha Dhismaha ciidanka Qaranka.

Xildhibaano badan oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeestay qorshahan ciidanka kooban lagu dhisayo, waxa ayna Xildhibaanada badi muujiyeen in qorshahan uu halis ku yahay madax banaanida qaranka Soomaaliya.

Shirkii dhawaan ay yeesheen Madaxda Qaranka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa lagu heshiiyay in la dhiso Ciidan Qaran oo ka kooban 18-kun , waxaana ciidankan min 3-kun uga imaanayaan maamul goboleedyada afarta ah.

Comments are closed