|

Raysul-wasaaraha Itoobiya isku-shaandhayn ku sameeyay golihiisa Wasiirada, shaqadana ka caydhiyay wasiir xaaskiisu Argagixisonimo ku eedaysan tahay

Addis Ababa, 29, Nov 2012 (SDN)- Raysul-wasaaraha Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn, ayaa shaqada ka eryay mid ka mid ah golaha wasiirada dalkaas, kaasoo lagu xaaskiisa waajahayso eedaymo Argagixisonimo.

Hoggaamiyaha Itoobiya waxa uu Khamiista maanta xilka ka qaaday wasiirkii Hawlaha Guud ee Itoobiya Mr. Junedin Sado, kaasoo ay xaaskiisu ka mid tahay 29 qof oo waajahaya eedaymo argagixisonimo.

Siday ku warantay wakaalada wararka ee AP, eedaymaha loo haysto xaaska wasiirka la eryay, waxay la xidhiidhaan mudaharaadyo ay dhowaan sameeyeen Muslimiinta Itoobiya, kuwaasoo dawladda ku eedeeyay inay farogelin ku hayso arrimahooda diimeed.

Wasiirka la eryay Mr. Sado, waxa uu qoraal uu xaaskiisa ku difaacayo ku daabacay mid ka mid ah wargeysada madaxabanaan ee Itoobiya, wuxuuna naqdiyay eedaymaha Xaakimka guud ku oogay xaaskiisa.

Dhinaca kale, Raysul-wasaaraha Itoobiya waxa uu Khamiista maanta isku-shaandayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, wuxuuna laba wasiir u dalacsiiyay inay si siman u noqdaan Raysul-wasaare kuxigeeno.

Go’aankani waxa uu dalkaas siinayaa in markii u horaysay Itoobiya yeelato saddex Raysul-wasaare kuxigeen, taasoo ah calaamad muujinaysa in xisbiga talada haya ee EPRDF uu danaynayo in hoggaamintu noqoto mid wadareed, ka dib markii uu bishii August ee sannadkan uu geeriyooday hoggaamiyihii muddada dheer Itoobiya taladeeda hayay ee Meles Zenawi.

Sidoo kale, Raysal-wasaare Hailemariam Desalegn waxa uu maanta Tedros Adhanom u magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee Khaarajiga dalka Itoobiya.

Comments are closed