|

“Reer Awdal Waxaan Leeyahay Ninka Maanta Soo Baxay Maaha Nin Lagu Cabsi-Gelin Karo Farta Oo Loo Lulo, Oo Waa Muuse” Guddoomiye Ku-xigeenka UCID

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), ayaa farriin u diray Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadweynaha reer AWDAL, waxaanu u soo jeediyey inay u midoobaan ka qayb-qaadashada Horumar uu sheegay in Madaxweynaha la doortay uu Dalka ka samaynayo Shanta Sanadood ee soo socda.

Mr. Buuni oo wuxuu sheegay in aanay jirin sabab ay Reer AWDAL u kala qaybsanaadaan, maaddaama buu yidhi uu dhammaaday Ololihii Doorashada ee ay samaynayeen Xisbiyadii ay kala taageersanayeen, sidaasi darteed loo baahan yahay inay midoobaan oo ay u diyaar-garoobaan sidii qaybtooda uga qaadan lahaayeen Horumarinta Dalka ee Shanta Sannadood ee soo socda.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee UCID oo Shalay u warramay Telefiishanka Somali Cable, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Shacabka reer AWDAL waxaan leeyahay, Shan Sanadood oo Horumar ah ayaa lagu tallaabsanayaa, waxa idin hor-yaalla inaad laba arrimood kala doorataan, waxaad kala dooranaysaan Shan Sannadood oo horumar ah oo Shacabka Somaliland wixii aad xaqa ugu lahaydeen aad la qaybsataan iyo Shan Sano oo Cabasho ah oo aad dib ugu noqotaan wixii aynu hore uga soo gudubnay, labadaa ayuun baad kala dooranaysaan ee War kale oo meesha yaallaa ma jiro. Waayo? Waxa la is-dheer yahay waa Nasiib, Nasiibkiina Cid buu saaciday, Ciddii uu saaciday ayaa Xukunka timid, Somaliland oo dhan baa Gacmaha is-haysata, Raggii la tartamay Muuse iyo Saylici ayaa Maanta Gacmaha is-haysta, sabab aad idinku ugu sii kala qaybsanaataan ma taallo (Kala taageeridda Xisbiyada).”

Mr. Buuni wuxuu si gaar ah Farriin ugu diray Dhallinyarada reer Awdal “Dhallinyarada waxaan leeyahay Somaliland Horumarkeeda ka qayb-qaata, Somaliland-baad tihiin, Ninka labaad ee Waddanka Madaxweyne ku-xigeenka ka ah ayaa Gobolka ka soo jeeda. Dhallinyarada iyo Dadka Aqoonyahanka ah waxaan leeyahay waar Odey daallay oo Maalinta Biyihiisa meel ka eeganaya yaanu Wakhtiga idinka qaadin, Hore ayaynu u soo tijaabinay wixii socon waayey, Maanta’se waa Somaliland. Reer AWDAL waxaan kula dardaarmayaa Midnimo iyo Shan sano oo Horumar ah.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Reer AWDAL waxaan leeyahay, Ninka Maanta soo baxay maaha Nin lagu cabsi-gelin karo Farta oo loo lulo iyo Wax kale oo la sameeyo, Waa Muuse Biixi, ee aynu Horumarka Dalka Qaybteena ka qaadano.”

Comments are closed