|

Ujeeddada Kulan Guddiga Doorashooyinka Qaranku La Yeesheen Dublomaasiyiin Caalami Ah

Hargaysa 26. November 2017 (SDN/QJ):-Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL, ayaa xaruntooda caasimada dalka kula kulmay dublomaasiyiin caalami ah oo ka socda dalka Britain.

Dublomaasiyiintan oo kala ahaa Safiirka UK ee dalka Ethiopia u fadhiya David Concar oo ay wehelinaysay madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper.

Ujeedada kulankan ayaa si kooban loogaga warramay war qoraal ah oo ay Guddiga Doorashooyinku ku baahiyeen barta ay ku leeyihiin internet-ka ee Slnec.com, waxaanu u dhignaa sidan:- “Kulan maanta (Shalay) ku qabsoomay xarunta KDQ oo ay ku wada yeesheen Guddida KDQ iyo Safiirka UK Ethiopia u fadhiya David Concar oo ay wehelinaysay madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper, ayaa lagaga wadda hadlay qaabkii ay u dhacday Doorashadii ka dhacday Somaliland, Kuna hambalyeeyeen KDQ sida ay u qabsoontay Doorashadu iyo natiijadii ka soo baxday”.

Sidoo kale waxay u mahadceliyeen Saddexda xisbi qaran siday doorkooda uga qaateen iyo gunnaanadkii natiijada.

Waxa kale oo laga wadda hadlay sidii kor loogu sii qaadi lahaa dimuqraadiyada ka qabsoontay Somaliland.

Comments are closed