Uncategorized

Wasiirka Maaliyada ee Punt land oo ka Hadlay Natiijada Socdaal uu Dibada ugu Maqnaa DAAWO

Boosaaso 02.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa dib ugu soo laabtay magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,isagoona kasoo Socdaalay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Garoonka diyaaradaha ee Bandar-qaasim ayaa,waxaa kusoo dhaweeyey Guddoomiyaha gobolka,duqa degmada Bosaso,Ganacsato,mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo qaar kamid ah Shacabka magaaladda.

Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax oo Saxaafadda kula hadlay Airporka ayaa ka warbixiyey Socdaal shaqo uu ku tagay dalka Isutaga Imaaraatka Carabta halkaas oo u kulamo kulasoo qaatay Maalgashadayaal shisheeye iyo Ganacasato reer Puntland.

”’Safar laba asbuuca baan ku tagay Imaaraatka Carabta waana dal aynu Saaxiibo nahay sidaad horey ula socoteena wax badan inaga dhaxeeyey ,Jaaliyad Puntland ah oo ballaaran ay joogto…..””ayuu yiri Mudane Shire.

Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa xusay in dalka Imaaraatka Carabta uu kula kulmay Jaaliyadda Puntland gaar ahaana ganacsatada,wuxuu intaas ku daray in Ganacsatada kawada hadleen kobaca dhaqaale ee dalka iyo arrimo kale.

Boosaso SDN/QJ
contact@qurbejoog.com