Nairobi May 11,2012(SDN)-Midawga Yurub ayaa shaaca ka qaaday in ay kor u qaadayaan mucaawooyinka ay siiyaan Soomaaliya si gacan u siiyaan hawlaha Amniga lagu sugayo.
Deeqdan ay reer Yurub u yabooheen Soomaaliya ayaa waxa Nairobi ku soo bandhigay madaxa EUda ee Kenya Lodewijk Briet iyo George-Mark Andre oo EUda u qaabilsan Soomaaliya.
Aduunkan faraha badan ee reer Yurub sheegeen in ay Soomaaliya ugu deeqeen ayaa si toos ah mushaharo ugu noqonaya ciidamada Africa ee ku sugan Soomaaliya.
Si khaas ahna waxa mushaharo looga dhigayaa ciidamada Kenya ee Dhawaanta ku biiray kuwa AMISOM.
Ciidamada Kenya ayaa qaadan doona mushaharo dhan Sh84,296 bil kasta oo ay Soomaaliya joogaan.
Gollaha Amaanka ee Qaramada Midobey ayaa ansixiyay in ciidamda Kenya ay ku biiraan kuwa AMISOM bishii February ee in adhaaftay.
Ciidamda Soomaalida ee ka barbar dagaalama kuwa Africa ayaan mushahro naf leh qaadan,isla markaana aan bilo la siin.
SDN-Nairobi
