Uncategorized

R/wasaaraha Soomaaliya oo booqday Maxkamada Gobolka iyo Isbitalka Madiin ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho April 15 2013 (SDN)– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa booqasho ku tagay xarunta maxkamada Gobalka Banaadir iyo sidoo kale isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay wehliyaan xubno kamid ah wasiirada Soomaaliya ayaa ugu horeyn tagay xarunta maxkamada Gobalka Banaadir halkaasi oo shalay qarax xoogan iyo dagaal uu ka dhacay.Ra’iisul Wasaaraha ayaa eegay sida meesha ay wax uga dhaceen isaga oo warbixin kooban ka dhageestay saraakiisha ciidanka ee ku sugan dhismaha xarunta maxkamada Gobalka Banaadir.

Intaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ugudbay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo uu soo eegay dadka bukaanka iyo xaaladooda sida ay tahay.

Cabdi Shirdoon ayaa warbixin ka dhageestay masuuliyiinta isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay yaalaan bukaano gaaraya ilaa 40 kuwaasi oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Dadka dhaawaca qaba ayaa ku waxyeeloobay qaraxyadii iyo dagaalkii shalay ka dhacay xarunta maxkamada Gobalka Banaadir halkaasi oo dad badan ay ku geeriyoodeen.

Weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa masuuliyadeeda waxaa sheegtay Ururka Al-Shabaab oo Dowladda dagaal adag kula jira.