London 15.April (SDN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa gaadhay Magaalada London ee Cariga Ingiriiska iyagoo u sii dhaafi doona Wadanka Maraykanka oo ay Martiqaad rasmi ah ka heleen.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Weftigiisa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow international Airport ee Magaalada London ,hadal kooban oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo siiyay Warbaahinta ayuu ku Sheegay in Somaliland iyo Somalia ay Yihiin laba dal oo Walaalo ah isla markaana Wada hadal yeeshay Cid kastaana ay barnaamijkeeda wadatay.
Geesta kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisa waxaa ku sii sagootiyay Gegida diyaaradaha ee Magaalada Istanbul,Raisal wasaare ku xigeenka Dhaqaalaha iyo maaliyada dalka Turkiga ahna Gudoomiyaha kulamada wasiirada dalkaasi Mr. Ali Babacan.
Ra’isal Wasaare ku Xigeenka Turkiga ayaa Madaxweynaha iyo Weftiga uu hor kacayay uga Mahadceliyay ka soo qayb galkii Shirkii Wada hadalada Somaliland iyo Somalia waxaanu intaas ku daray in xidhiidhka wanaagsan ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo turkiga ay Sii Cusboonaysiinayaan,isla markaana uu Turkigu doonayo ayuu yidhi inay Somaliland la ahaadaan saaxiib dhaw oo ay wada shaqayn fiicani u dhaxayso.
Sidoo kale Madaxweyne Axmed Maxamud ayaa dhankiisa ugu hambalyey mahadnaq balaadhan u jeediyey dalka turkiga sidii qiimaha badnayd ee uu uga qayb qaadatay wada hadalada Somaliland iyo somaliya.
Madaxweynaha waxaa Safarkiisan ku Wehelinaya Wasiirada Arrimaha Dibada iyo Madaxtooyada,iyo Marwada Madaxweynaha.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Track1.mp3″]
London SDN.
qurbejoog.com
