Uncategorized

Wareegii labaad ee doorashada Maali oo ka socota Wadankaas

Maali 11.Aug (SDN) Dadweynaha dalka Maali ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya wareegii labaad ee doorashada madaxtinomada dalka maali,iyadoo la kala dooranayo labadii Murashax ee ugu codadka badnaa wareegii hore ee doorashada .

Labadan Musharax ee ku tartamaya madax tinimada dalkaasi oo lagu kala magacaabo Ibraahim Abokor Kiita oo ahaan jiray Ra’isal wasaare dalkaasi xukunkiisa soo maray,halka Murashaxa la tartamayaa oo lagu magacaabo Samula Siisa uu isna ka mid ahaan jiray Wasiirkii Maaliyada ee Xukuumadii ugu danbaysay.

Doorashadan dalka maali ka socota ayaa lagu tilmaamay talaabo weyn oo dhinaca horumarka iyo dimuquraadiyada loo qaaday,iyadoo uu dalkaasi ku dhex jiray qalalaase siyaasadeed labadii Sanno ee ugu danbeeyay kadib markii ciidamada dalkaasi ay afgambi milatari ku sameeyeen hogaaminta wadanka maali iyagoo garabsanaya Mitidiin Islaami ah ooo dhinaca waqooyi ee Maali Xoog ku qabsaday.

Waxaase Gurmad Xoogan dalkaasi u sameeyay Ciidamo  faransiis ah iyo kuwo ka socda dalalka galbeedka Africa oo ka sifeeyay Mitidiintii Waqooyiga dalkaasi qabsaday ,iyagoo kaalin Muuqata ka ciyaaray Sidii ay Maali uga dhici lahayd doorasho madaxtinimo oo dadweynuhu codkooda bixiyaan.

Maali SDN.

Qurbejoog.com