|

Safiirkii Maraykanka u fadhiyay Kenya oo is-casilay

Nairobi, 29 June 2012 (Qurbejoog)- Safiirkii dalka Maraykanka u fadhiyayKenyaMr. Scott Gration ayaa la sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay isniintii hore Madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada Hillary cilinton.

Iscasilaada Gration waxaa lagu micneeyay is faham la’aan dhanka hogaanka ah, waxaana uu xilkan banneeyay, kadib markii uu soo hayay tan iyo bishii May ee sannadkii 2011-ka.

Scott Gration oo muddo dheer ku noolaa dalkaKenyaka hor inta aanu safiirka noqon kuna hadli jiray luuqada Ksiwahiliga ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in muddo ka badan 35 sanno uu u adeegeeyay dalkiisa.

Waxaa uu sheegay inuu isaga iyo xaaskiisa Juddy ay farxad u ahayd markii uu noqday safiirka Maraykanka u jooga dalkaKenya, oo uu uga faa’iidaysan karo fursadaas aqoontiisa qotoda dheer ee u leeyahay dalkaKenya.

Scott Gration ayaa bedelay markii hore safiirkii ka horreeyay isaga Michael Renebegar  oo lagu tilmaami jiray inuu ahaa nin saamayn wayn ku leh siyaasada dalkaKenya, balse la bedelay markii lasoo bandhigay warbixinnadii sirta ahaa ee Wikileaks, taasoo xumaysay xidhiiidhka ka dhexeeyay Renebegar iyo madaxda dalkaKenya.

Qurbejoog, Nairobi

Comments are closed