|

Sheekh magac ku lahaa bulshada gobolka Awdal iyo Kilalka Shanaad ee Itoobiya oo maanta lagu aasay Boorama (Daawo Sawirada)

Boorama 29, June 2012 (Qurbejoog.com)- Sheekh Maxamuud Sh. Cabdilaahi Muuse (Sh.Maxamud Xoogbadane) oo ahaa culimada magaca ku leh deegaamada gobolka Awdal iyo Kilalka Shanaad ee Itoobiya, ayaa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Borama.

Allaah u naxariistee marxuum Sheekh Maxamuud Xoogbadane wuxu dhashay 1945kii, waxbarashadiiisu waxay ahayd culuunta diinta Islaamka, wuxu wax kusoo bartay Dalka Ethiopia, qaabka wax uu usoo bartayna waxay ahayd sidii culimadii somalidu ay safarka ugu gali jireen waxbarashada.

Allaha Naxariistii Jano ka waraabiyee Sheekha waxaa aad looga yaqaanay Deegaamada Somaliland, gaar ahaan dhinaca Galbeed iyo Killilka Shanaad ee dalka Itoobiya oo aad looga qadarin jiray.

Sheekhu Wuxuu waqti badan waxbarashadii ku soo qaatay gobolka Soomaalidu tagto ee Kililka Shanaad gaar ahaan Qabri-dahar, Dhagax-buur, Jigjiga iyo Herer.

Sheekhu markii dambe wuxuu caan ku noqday magaca sheikh Sarfiile oo ka yimd Cilmiga (Sarfiga) oo uu aqoon dheeraad ah u lahaa, waxa kale oo uu sheikh can ku ahaa cilmu Carabiga sida Naxwaha, Balaaqada iyo Funuunta Carabiga oo dhan.

Sheekhu wuxu kaalin libaaxleh ka qaatay waqtigii nabadaynta Somaliland, oo uu ka mid ahaa Culimadii iyo Odayadii la shaqeeyay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

Sanadihii u dambeeyay waxa uu sheikh Maxamuud ku qaatay Gurigiisa oo uu cibaado, Quraan akhris, iyo Dikri ku hayay, Sheekhu waxa uu geeriyooday 28-June 2012, waxaana maanta oo ah 29-June 2012 si maamuus leh loogu aasay magaalada Borama.

Qurbejoog.com, Boorama

Comments are closed