Uncategorized

Saraakiisha Gacanta Ku Haysa Garsoorka Caasimadda Hargeysa Oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Gacan-togaalayn ay Shaqadoodu ku Hayaan Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:02-March-2014(SDN)-Waxa Markii Ugu Horraysay Dibadda u soo Baxay Dagaal Hoose oo u dhexeeya Golayaasha Garsoorka Iyo Fulinta, iyadoo Saraakiil sare oo ka Tirsan Maxkamaddu ay qaylo dhaan ka Muujiyeen Cadaadis ay ku Hayaan Saraakiil Xukuumadda Siilaanyo ka Tirsani.

maxmaxGuddoomiyaha Maxkamadda Hargeysa iyo Garsoorayaal sare oo isla-maxkamadaas ka Tirsan ayaa Shir jaraa’id oo ay Shalay qabteen ku caddeeyey dibaato ay Shaqadooda ku hayaan Wasiirro ka Tirsan xukuumaddu.

 

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobolka, Degmada, Rafcaanka iyo xubno garsoorayaasha ka mid ah ayaa wax ay tilmaameen in xukumadu faro galin qaawan ku hawso garsoorka dalka, iyaga oo si gaar ah u sheegay in wasiir ku-xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor  uu si badheedh ah uu ugu soo qoray warqad ka hadlaysa dhul beered laysku haysto oo dacwada dhulkaasi ay maxkamada ka socoto oo uu isaguna ku amrayo in la joojiyo, taasina ay tahaybay yidhadeen faro galin qaawan oo ay uu ku hayo hay’ada garsoorka oo ah mid madaxbaan.

Kooxdan ayaa sidoo kale waxa ay  dhaleecayn u jeediyeen xubno kale oo ka mid ah golaha wasiirada oo ay sheegen in habeen iyo maalin ku hayaan faro galin qaawan.

 

Saraakiishan ka Tirsan Bahda Garsoorka ayaa tilmaamay inay Quus ka Taagan yihiin inay shaqadooda u madax bannaanaadaan, maadaama bahda Fulintu ay shaqadoodii si weyn u kala Dhantaashay oo cadaadis iyo farogelin ku hayso.

Guddomiyaha Maxkamda Gobolka Faysal Dhago-dhago, Gudoomiyaha maxkamada Rafcaanka cabdirashid duraan, iyo garsoorayal faro badan, ayaa sida Fiinta uga Qayliyey Tallaabooyin ay isdaba joog ku sheegeen oo dhinaca Xukuumadda kaga Imanaya, waxana ay sheegeen inaanay ku sii shaqayn Karin marxaladda Noocaas oo kale ah.

Waa markii ugu horraysay ee Saraakiil derejooyinkaas leh oo ka Tirsan Bahda Garsoorku ay ay si cad uga Hadlaan Farogelinta Xukuumaddu ku Hayso Shaqadooda, waxana laga Yaabaa inay Taasi Markhaati u tahay inay U adkaysan kari waayeen Dhibka xukuumaddu ku hayso Cidda Caddaaladda Gacanta ku Haysa.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com