Uncategorized

Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Oo Laba Sarkaal Oo Boolis ah Xabsi Guri u Diray iyo Sababta Keentay

Muqdisho:02-March-2014 (SDN)Wararka laga Helayo wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, ayaa sheegaya in Wasiir C/kariim Xuseen Guuleed  uu soo Saaray Amar ka Dhan  ah saraakiil ka Tirsan Ciidanka Booliska Dawladda Federalka.

gulguliWasiir Guuleed ayaa la Sheegayaa in Wareegto uu soo saaray uu ku Amray in Xabsi Guri la dhigi Doono Taliyaha Dekedda Muqdisho iyo ku xigeenkiisa, kadib markii lagu Eedeeyey inay duca-ducayn u Geysteen Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Somalia.

Taliska Dekeda ayaa la Sheegayaa inay Taliyaha  Hay’adda Nabadsugida Bashiir Maxamed Jaamac  u diideen inuu Gudaha Dekedda La Galo Baabuur Tekniko ah iyo Ciidan uu watay uu Gudaha Dekedda la Galo.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Somalia, Bashiir Axmed Jaamac “Bashiir Goobe” markii loo sheegay inay mamnuuc tahay in Tekniko iyo ciiddan lala galo Dekedda Muqdisho, ayaa waxa uu Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Taliyaha Ciiddanka Boliska Soomaaliyeed, Jeneral Daahir Saciid Saacid oo uu u faahfaahiyey in loo diiday inuu Dekedda la galo ciiddan.

Jeneral Saacid waxa uu u sheegay inay Taliyaha iyo Taliye-xigeenka Boliska dekedda Muqdisho hawshooda gudanayaan, isla markaana aanu faragelin Karin, taas oo keentay in Ashkatadii Gaadho ilaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Wasiirka ayaa markii uu Warkani gaadhay soo Saaray Dikreeto uu ku amrayo in labadaas Taliye ee Shaqada Dekedda iskaga Sarreeya xabsi-guri lagu Xidho.

Wareegtada ayaa Soo Baxday Toddobaadkii hore, waxana la Sheegayaa inaanay Labadaas Nin muddo soo Shaqo tegin oo ay ka Maqan yihiin Shaqadoodii.

Wasiirka waxa uu wareegtadisa u adeegsaday hadal ku adag Sharuucda Ciiddamadda , isagoo xusay inay Labadaasi Sarkaal u baahan yihiin waxa uu ugu yeedhay EDBIN.

Arrintan ayaa Magaalada Muqdisho si weyn looga Hadal hayaa, waxana shacabku aanay wali Fahmin farogelin intaas le’eg ee uu wasiirku ku qaaday Shaqada Ciidanka, iyadoo si weyn loola dhacsan yahay Hannaankii uu Taliyaha Ciidanka Boolisku uga Jawaabay Markii Arrintan cabashadeedu ay Gaadhay.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com