Uncategorized

War Deg Deg Ah: Hooyo Dhashay Seddex Caruur Ah Oo Lagu Toogtay Caawa Fiidkii Xaafadda Callaamadaha Ee Caasimadda Hargeysa Dhaawaciina U Dhimatay H

wardeg dega

Hargaysa 15jun13 SDN) Alla ha u naxariistee Raxma Maxamed Xaashi oo da’deeda lagu sheegay 35 sanno jir dhashay seddex      caruur ah ayaa caawa fiidkii abaaro 6:00 maqrabnimo lagu hor toogtay dukaan ku yaalla xaafadda callaamadaha ee koonfurta caasimadda Hargeysa wakhti ay marxuumaddu alla ha u naxariistee dukaanka Alkhaliij,oo ku yaalla xaafadaasi  ay ka a adeeganaysay.

Dad goob joog ahaa oo ku sugna goobta ay Marxuumad Raxma Maxamed Xaashi alla ha u naxariistee ku qudh baxday, ayaa u       sheegay in ay maqleen rasaas daran doori u dhacday iyo marxuumadda  oo dhulka ku dhacday, ka dibna la waayey cid alla iyo    cid toogatay, balse dadka goobta ku sugna ayaa isku dayey inay bad baadiyaan oo ula cararaan cisbitaalka Marxuumad Raxma iyadoo isla goobtaasi ku geeriyootay oo naftu kaga baxday ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye.

Dadka ku nool xaafadda callaamadaha ee koonfurta caasimadda Hargeysa ayaa falkani argagax weyn ku dhaliyey isagoo ah mid ku cusub magaalada Hargeysa oo ah magaalo aad ammaankeedu u adagyahay, alla ha u naxariistee Marxuumad Raxma Maxamed Xaashi ayaa wararku sheegayaan inay ahayd hooyo leh seddex caruur ah oo yaryar.

Xaafadda callaamadaha ayaa ah xaafad aan ka fogayn madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, ilaa hada lama garanayo cida dishay hooyadan

qurbejoog.com

Hargaysa

wardegdega