Uncategorized

Sawirrada Meydad iyo Gawaadhi Laga Gubay Ciidamada Ethiopia Oo Shabaabku Soo Bandhigeen

Baardheere:June,19,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Al-shabaaab, ayaa Markii ugu horraysay soo bandhigtay Sawirro ay kasoo qaadeen Dagaal ay dhawaan Ciidamo Ethiopian ah oo AMISOM katirsan kula galeen  inta u dhexeysa Leego iyo Buur-hakaba kaasi oo khasaaro adag lagu gaadhsiiyay Ciidamada Ethiopia oo qeybta ka ah kuwa AMISOM.

erocBayaan kasoo baxay Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Dagaalkaasi uu ahaa mid qaaditaankiisa ay ka shaqeynayeen dhowr maalin balse ay u suuragashay inuu dhaco maalintii Salaasada oo taariikhdu ay ku beegneyd 24-Shacbaan.

Waxaa bayaanka lagu sheegay in duulaankaasi lagu dilay inkabadan 60 Askari oo Ethiopian ah, halka kooxdu ay sidoo kale ka sheegtay inay gubeen islamarkaana ay qabsadeen 13 Gaadhi.

Bayaanka waxaa wehliya Sawirada meydadka Askar Ethiopian ah, Gawaadhi ay gubeen iyo hubkii ay gacanta ku dhigeen.

 

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com