Uncategorized

Saylici:Qurbejoogu waa Lafdhabarta dalka iyo dadka Somaliland

Hargeysa July 17,2012(SDN)-Waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay Shirweynihii labaad ee Qurbejooga reer Somaliland oo lagu qabtay Hotel Ambassador,waxaana lagu wadaa in uu shirku socdo mudo laba maalmooda.

Shirka Qurbejooga reer Somaliland ee maanta furmay ayaa waxa ku sugnaa tiro wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada sida wasiirada madaxtooyada,Ganacsiga,Hawlaha Guud,caafimaadka iyo Cadaalada.

Madaxa Hay’ada Qurbeooga Somaliland Maxamuud Cabdiraxmaan Cali oo shirka warbixin siiyay ka qeybgaleyaasha shirka ayaa ka xog waramay waxqabadkii hay’ada ee sadexdii bilood ee u danbeeyay.

Waxa isna sidoo kale madasha shirka khudbad ka jeediyay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa halkaa ka sheegay wax tarka ay qurbejooga reer Somaliland u leeyihiin dalka iyo dadka reer Somaliland.

Waxaanu Md Saylici sheegay in ay Qurbejoogu yihiin lafdhabarka dhaqaalaha iyo horumarka dalka,loona baahan yahay in ay laba laabaan dedaalkooda.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com