Laascaanood 17, July 2012 (SDN\)- Ciidanka Amaanka ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa barqonimadii maanta xabsiga dhigay Maayarka Laascaanood iyo kuxigeenkiisa Mr. Kayse Xuseen iyo Axmed Aaden Cilmi.
Siday goobjoogeyaal u xaqiijiyeen shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, xadhiga Maayarka iyo kuxigeenkiisa waxa amray guddoomiyaha gobolka Sool Mr. Maxamed Maxamuud Jeeni-yare.
Warku wuxuu intaa ku daray, in haatan ay labada masuul barqonimadii maanta laga qabtay xafiisyadooda, isla markaana ilaa haatan ay xidhan yihiin.
Ma cadda sababta keentay xadhiga labada masuul, iyadoo aanu maamulka gobolka Sool iyo wasaaradda Daakhiliga Somaliland midkoodna wax war ah ka soosaarin arrintan.
La soco wixii war ah eek u soo kordha
Qurbejoog.com, Laascaanood
