Uncategorized

Howlgalo ka socda Kismaayo oo amaanka lagu xaqiijinayo.

Kismaayo June 4, 2013(SDN)-Saraakisha ciidamada amanka Somalia ee ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta G-jubada hoose ayaa sheegay in xaalada amni ee magaaladasi xiligaan ay tahay mid soo ifbaxaysa amaan dari ay wadaan koxo burcad ah iyo Al-shabaab.

Saraakishaasi waxa ay sheegen in maal mihi ugu danbeeyay ay gacanta kusoo dhigeen dad falal amni dari ah lala xiriirinayo oo ay ku eedeyen qalalaaso ay magaladasi ka wadaan.

Iyadoo maal mihi ugu danbeyay ay magaladasi ay ka jiren murano dhanka siyaasada ah kadib hogaamiyaal tira ah oo wada sheegtay madaxtinimada mamaulka Juba-land.

Saraakisha ciidamada dowlada Somalia waxa ay sheegen in ay sii wadi doonan xaqijinta amanka kismaayo.