Garisa April 03,2015(SDN/QJ)-Weerarkii shalay ay Shabaabku sheegteen eel ala beegsaday jaamacada Garisa ee woqooyi bari Kenya ayaa khasaarihii ka dhashay cirka isku shareertay.
Dawlada Kenya ayaa shaacisay in weerarka ay ku qur baxeen 147 weerarka isla markaana ay haatan gacanta ku dhigeen amaanka.
Ciidamada amaanka ayaa sidoo kale sheegay in afar ruux oo weerarka geystay ay isqarxiyeen kolkii ay ciidamadu wejeheen.
Wasiirka arrimaha Guddaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa sheegay in manta ay degaanada Garisa dul dhigeen bandoow socon doonta 6fiidnimo ilaa 6 aroornimo labada todobaad ee ina soo haya.
Dadka degaanka Garisa ayaa waxa soo wejahay cabsi ka dhalatay ciidamada amaanka Kenya oo magaalada iyo ageeda ku soo qulqulaya.
Hore ayaa marka weeraradan oo kale ay dhacaan waxa ciidamada Kenya looga bartay in ay gabood falyo u geystaan dadka shicibka ah.
Waxaana durba magaalada Gaarisa laga dareemayaa marnaansho aan nooceeda hore loogu arag, mana cada in dadku magaalada ka baxayaan iyo in ay aqaladooda soo dhaafin.
SDN/QJ-Garisa
contact@qurbejoog.com
