|

Shabaabka oo la Sheegay in ay Qorsheynayaan in ay Reer Galbeedka Weeraraan

Amsterdam May 31,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama ayaa qorsheynayaa in weeraro ka geystaan dalal ka mida qaarada Yurub iyo Mareykanka,sida uu Iddaacada dalka Holland u sheegay taliye hore oo ciidamada dalkaa ka tirsanaa.

Taliyahani waxa uu sheegay in kooxda Al Shabaab ay haatan maleegeyso weeraro loo qorsheeyay dalalka  Mareykanka,Holland iyo Britain.

Talyahan Hore ayaa sheegay in Soomaaliya haatan noqotay goobta Jihaadka caalemiga ah  laga hago.

Shabaabka ayaa qorsheyaashan ay wadaan waxa ay damacsan yihiin in ay u isticmaalaan dagaal yahano heysta dhalasho reer Galbeed.

SDN-Amestardam

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed