|

Ciidamada Denmark ayaa Xabsiga Dhigay Laba Wiil oo Soomaali ah

Copenhegan May 31,2012(SDN)-Ciidamada Amaanka ee dalka Denmark ayaa gacanta ku dhigay laba wiil oo soomaali ah oo lagu tuhmay in ay maleegayaan weeraro argegixiso.

Labada Wiil ka roon ayaa ciidamadu ka qabteen gegida duyuuradaha maalinimadii Isniinta.

Halka ka kalena laga qabtay magaalada Aarhus oo uu mudaba ku noolaa.

Maalinimadii shalay ayaa labada wiilba maxkamad la soo taagay,waxaaney dafireen dhamaan eedaha lagu soo oogay.

Wiilka weyn oo magaciisa aan la sheegin ayaa lagu eedeeyay in uu tababro la soo qaatay kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Dawlada Denmark ayaa aaminsan in inka badan ilaa 40 ruux oo xidhiidh la leh Denmark oo tabaro Soomaaliya ku soo qaatay ay dhici karto in ay weeraro ka fuliyaan dalalka reer Galbeedka.

SDN-Copenhegen

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed