|

Shabaabka oo dalbaday in loo aar gudo wadaad shalay Kiinya lagu dilay

Muqdisho Aug 29,2012(SDN)-Kooxda Al Shabaab ayaa war ay soo saareen waxa ay  ku dalbadeenn in loo aargudo wadaad shalay lagu khaarejiyay magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kiinya.

“Muslimiintu waa in ay ku bahoobaan sidii ay isaga caabin lahaayeen Kufaarta una difaacan lahaayeen maalkooda naftooda iyo cizigooda”ayaa lagu yiri warka Shabaabku soo saaareen.

Sheekh Roogoayaa hore waxa loogu eedeeyay in uu taageero siiyo kooxda Al Shabaab ee xiriirka dhaw la leh Al Qaacida.

Mareykanka iyo QM ayaa hore u xanibay hantida Sheekha isla markaana ku biiriyay diiwaanka dadka lala xiriirinayo argegixisada caalamka.

Rabshado dilkiisa ka dhashay ayaamaalintii labaad galay magaalada Mombasa oo xarun u aeyd sheekha iyo xarun uu maamulayayba.

Weli ma jirto cid sheegatay diilkii shalay sheekha loogu geeystay mid ka mida wadooyinka Mombasa.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed