|

Cali Samatar oo 12 milion oo Dollar lagu xukumay ka dib kolkii todoba dhibane ay maxkamadeeyeen

Arlington Aug 29,2012(SDN)-Maxkamada ku taal dalka Mareykanka oo socotay mudo sideed sanadooda ayaa ku xukuntay Gen Maxamed Cali Samatar in uu todoba dhibane oo ku eedeeyay in amaro uu bixiyay lagu dhibaateeyay mudadii uu ahaa wasiirka gaashaandhiga ee dawladii Maxamed Siyaad Bare.

Gen Samatar ayaa waxa uu beeniyay in uu bixiyay amaro lagu wax yeeleynayo dad rayid ah,sidoo kale waxa uu isgu difaacay in uu heysto xasan diblomaasiyadeed,sheegashadaas oo ay burisay maxkamada sare ee Mareykanka.

Maxamed Cali Samatar ayaa hore waxauu u shaaciyay in dhaqaale la’aan awgeed aaney u suurto geli doonin in uu iska difaaco eedaha,isla markaana uu qaadanayo denbiga lagu soo eedeeyay.

“Waxaan Wandankeyga u soo shaqeeyay 40 sanadood,daacadna waan u ahaa wadankeyga,sharcigana waan adeeci jiray”ayuu saxaafada u sheegay Cal Samatar.

Balse xukuumada Madaweyne Obama ayaa sheegtay in maxkamadeynta Cali Samatar aaney waxba yeeli doonin xiriirka Caalamka.

SDN-Arlington

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed