Uncategorized

Shaqaaqadii Deegaanka Kalshaale Oo Soo Laba-kaclaysay Iyo Maleeshiyooyin Faro Kala Gaadheen Oo Isku Dhacay

Qorulugud:24-Oct-2013(SDN)-Waxa isku Deegaanka Maygaagle oo dhinaca Bari ka Xiga Degmada Qorulugud lagu dhaawacay Nin Xoolo dhaqato ah Maalintii shalay, kaas oo keenay in Laba  Maleeshiyo-beeleed si Kedis ah iskugu dhacaan.

kalshaaleIsku dhacan ayaa ka bilaabmay kadib markii  maleesho aaggaas In muddo ahba fadhiday oo ka soo jeedda Deegaanka Buuhoodle ay rasaas Oodda kaga Qaadeen  koox Baadi doon ah oo ka soo  jeedda Deegaanka Qorilugud oo halkaas ka raadinayey Lo’  ay waayeen.

Nin ka soo jeeda Deegaanka Qorulugud ayaa waxa soo gaadhay dhaawac, waxana ay taasi keentay in Beesha Deegaanka Qorulugud ay halkaas u dirto Ciidan badan oo weerara Kooxda kale ee dhaawaca geysatay.

Kooxda fadhida aagga deegaanka Maygaagle oo iyagu ah Hadhaagii kooxdii SSC-da, islamarkaana Gacanta ku Haysta Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa iyagu rasaas culus ku riday kooxda kale, waxana cabbaar halkaas ka socday dagaal aan khasaare kale Keenin.

Ciidanka Qaranka oo halkaas meel aan ka fogayn fadhiya, ayaa sida shabakadda Qurbejoog warka ku heshay isku dayey inay labada kooxood kala kexeeyaan, balse kuma ay Guulaysan.

Warakii ugu dambeeyey ee na soo gaadhayey, ayaa sheegaya in labada kooxoodba si xoog ah iskugu hub urursanayaan iyadoo nikii dhaawaca ahaan haatan lagu daaweynayo Tuulada Qorilgud.

Dhinaca xukuumadda wali lagaa sheegin waxa tallaabo ah oo ay arrintaas ka qaaday, waxase la filayaa inay ilaa maanta waajibkeeda ka Gutado.

Deegaanka Kalshaale ayaa ah goob uu ka dhacay mid ka mid ah dagaaladii lagu riiqday ee laba maleeshiyo Beleed ku dhex maray halkaas, kaas oo markii dambe xataa Ciidanka qarankana raad ku yeeshay.

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com