Hargeysa:24-Oct-2013(SDN)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille oo katirsan Golaha Wakiillada, isla markaana laba habeen ka hor ka bedbaaday Isku day la damacanaa in lagu khaarijiyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay wax u dhaceen, isla markaana waxa uu ku eedeeyey xukuumadda in falkaas lagula kacay ay iyadu ka dembeysay.
Xildhibaanka oo ugu horeyn ka hadlaya laba wasiir oo uu sheegay inay hagayeen fulinta shirqoolkaas, iyo sidoo kale cidda loo soo adeegsaday oo uu tilmaamay in uu si wacan u aqoonsan yahay balse aanay haba yaraatee wax godob ahi ka dhaxayn waxa uu yidhi Md. Qabille, “Haddaan Xusuusta dib ugu noqdo ma jirto, arrin aano ah oo aan is leeyahay inankaasi wuu u socday. Baadhista booliska ka sokowna waxaanu galnay baadhis madax banana oo taxadirkeeda leh illaa halkii nalaga raacay ilaa siday wax u dhaceen, waxaana aanu ogaanay inuu yahay shirqool culus oo dil qorshaysan ah oo aan ku tilmaami karo dhacdooyinka lagu xusuusan doono sanadka 2013ka, waa arrin ugub ku ah taariikhda Somaliland ugaadhsiga madaxdu”
Dhinaca kalena waxa uu ka hadlay war ku soo baxay cadadkii shalay ee wargeyska Haatuf, kaasi oo ku saabsanaa ninka Falka isku dayga ah gaystay ee rasaasta ku riday xildhibaan Qabille laba habeen ka hor, “ warka xaga sare (head-line) jaraa’idka Haatuf ee maanta soo baxay, (Ninkaas) Tabaarik Maxamed Ducaale ayaa la yidhaahdaa, waa nin ay qaraabo yihiin Madaxweynaha, oo maaha xagga uu sheegay oo keli ah ee waa la dhalay, Muddana waa loo rabbaynayay shirqoolkan, sida aanu baadhitaankayaga ku hayno, waxa cad guriga ay ku noolaayeen ee ahaa saldhiga duullaanka laga soo qaadayay ka yimi, inuu ahaa Wasiir ku xigeenka amniga gurigiisa, Cabdillaahi Abokor, ayaa quudinayay, hagayay oo qarashka shirqoolka bixinayay. Waa nin Wasiir ah xil haya, ma beelaysmayee cidda uu u aannoobayaa waa Madaxweynaha uu maanta ka tirsan yahay Cabinet-kiisa (Golihiisa wasiirrada), waxaasina shirqool qarsoomaya maaha, mid geed qariyana maaha” ayuu hadalkiisa ku ladhay Xildhibaan Qabille,
isaga oo intaa raacshay, Masuulka labaad ee uu ku eedaynayo falkan inuu ku lug lahaa, “Wasiirka labaad ee madax banaannida kiiskan baadhistiisu ay nala gashay ee ay ku jirto waa Xayndaabka wasaaradda warfaafinta (Information) oo ahayd barta abaabulkeedu uu ka socday, Cabdillaahi Cukuse, Hirkaasi halka uu u sii bixi karo waanu haynaa oo maalintay nala gaadho ee ay baarka la baxdo mid aanu sinna ula gabanayno maaha”. Ayuu Yidhi Mudane Maxamed Faarax Qabille oo Shalay Eeddahan Adag ee uu ku durayo labadan Masuul uu hawada u mariyey mar uu la hadlay shalay Weriye Maxamed Kuraase oo HCTV ka tirsan. Geesta kale Labadan Wasiir ee uu eedeeyey Xildhibaanku ayaa dhinacooda iska fogeeyey inay wax lug ah ku leeyihiin falkaas, iyaga oo Siyaabo gooni gooni ah iskaga durkiyey eedihiisa.
Fasiraaddan uu xildhibaan Qabille saaray weerarkiisa, ayaa ah mid sumcad xumo iyo ceeb ku ah maamulka madaxweyne Siilaanyo, waxana ahaatan looga fadhiyaa inuu kiiskan wasiirradiisa lagu eedeeyey u illimo Bixiyo.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
