Uncategorized

Shaqaaqadii Deegaanka Qararro Oo Meel Fiican Maraysa iyo Xukuumadda Oo Casharro Wax Ku Ool ah Ka Faa’iidday

Qarraro13-2013(SDN)-Wali waxa lagu Hawllan yahay Hoos U dhigidda Shaqaaqo Toddobaadkii Hore ka dhacday Deegaanka Tuulada Qararro ee Gobolka Saraar, waxana jira Raji fiican oo arrintaas lagu soo afjaro.

qaraaarDhibaatada oo Dhimasho keentay ayaa ka bilaabantay khilaaf laba beelood ku dhex maray qodista Baraago Biyaha laga cabo, waxana ay taasi daaha ka qaadday  dhibaatada muranka dhulku uu ku hayo Somaliland oo ah mid xawaare weyn ku socda.

Xiisaddan Colaaded ayaa lagu guulaystay in la damiyo, ka dib  Gurmad dhinaca xukuumadda iyo Bulshada Gobolka togdheer kaga baxay laba maalmood ka hor, waxaanay haatan maraysaa in labadii beelood ee dagaalku dhex maray Ogolaadeen in arintaasi wada hadal lagu dhameeyo , una qabsoomeen ergooyinka dhexdhexaadinaysa.

 

Waxaana habeenkii Jimcaha ee la soo dhaafay la dhaariyay Odayaasha laba dhinac “hawshaa si wanaagsanbaa loogu gurmaday, waxaanay maraysaa meel fiican  oo looma kala hadhin” sidaasi waxa  sheegay Xildhibaan Maxamed Abyan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Caynaba oo ka mid ahaa masuuliyiinta dawlada ee arintan ku baxay.

 

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo xalinta xiisaddan halkaasi u tegay, kuna sugnaa labadii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa labada dhinacba u soo jeediyay inaan la ogolayn Magaaleynta Dhul-daaqsimeedka, isla markaana dawladu aanay aqbalayn  deegaameynta dhulka xooluhu munaafacaadsadaan.

 

Wasiirka ayaa la sheegay inuu shaaciyay qorshe cusub oo dawladdu, kula dagaalamayso Oodashada iyo magaaleynta Dhulka xoolo daaqeenka ah, taasoo looga danleeyahay in la ilaaliyo deegaanka iyo in laga hor-tago khilaafaadka bulshada ku dhex mara.

 

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee dawladda ee arinta ku foogan, balse go’aankan ayaa hadii uu fulo wax badan ka taraya labada arimood ee lagu saleeyay hindisaha ka dambeeya.

 

Inta Badan dhibaatooyinka Nabadgelyo darro ee Somaliland ka dhaca ayaa salka ku haya Muran dhinaca dhulka ah oo soo noqnoqda, waxana  dhibkaasi yahay mid maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com