|

Fashilaadii ugu Xumeyd ee Axmed Siilaanyo:Dawlada Mareykanka oo Joojisay Siyaasadeedii Soomaliya ee “dual-track” policy

Washington Oct 13,2013(SDN)-Warbixin ay ka hor jeedisay Aqalka Senate-ka Kaaliyaha Xafiiska umuuraha Africa ee wasaarada arrimaha dibedda Linda Thomas-Greenfeild ayaa waxa ay uga warantay xaaladihii u denbeeyay ee dalka Soomaaliya.

Marwadu waxa kale oo ay ka warantay isbedel ku yimi siyaasada dalka Mareykanka ee ku wejahan dalka Soomaaliya.

“Siyaasadeenii ku wejahneyd dalka Soomaaliya ee  “dual-track” policy ka dib kolkii aan aqoonsanay dawlada Federaalka ee Soomalaiya,Dawlada Mareykanku waxa ay hoosta ka xariiqeysaa Muhiimada ku baaqida iyo la macaamilka maamul degaanada si loo abuuro nidaam Federaala. waanu sii wadi doonaa kaalmada biniaadamnimo iyo ta aanu u fidinno bulshada Rayidka ee Somaliland iyo Puntlan,iyada oo ujjeedadu tahay ka shaqeynta sidii maamuladu uga wada shaqeyn lahaayeen assaaska nidaamka Federaalka”. ayay khudbadeeda ku tiri Kaaliyaha xafiiska umuuraha Africa ee wasaarada arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka.

Dawlada Mareykanka ayaa ka hor intii aaney aqoonsan dawlada Muqdisho waxa ay ku shaqeyneysay siyaasad si siman ay ula macaamilaysay maamulada ka jira dalkii Soomalaiya la isku oran jiray.

Mareykanka ayaa waxa ay si gaar ah ula macaamileysay dawlada Somaliland iyada oo aan cidna u soo marin.

Isbedelkan Siyaasadeed ee haatan ay ku aqoonsatay in dawlada Soomaaliya ay tahay cida lagala xiriirayo wax walba oo ay Somaliland dunida uga baahato ayaa noqoneysa fadeexad balaaran oo soo wejahday xukuumada Axmed Siilaanyo.

Waxaaney dhabeyneysaa hadalo mucaaridnimo u muuqday oo uu in dhawaalaba saxaafada ka sheegayay Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha ayaa ku cel celinayay in Qadiyadii gooni isu taaga Somaliland ay wiiqantay mudadii uu xilka la wareegay madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Xukuumada Somaliland ayaan ilaa iyo haatan ka hadal goaankan ay xukuumada Mareykanku ka soo saartay la macaamilka Somaliland.

SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed