|

Shaqadii Kowaad ee Madaxweynaha Cusub ee Dalka Maraykanku uu Durtaba Saxeexo

Washington 21. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Donald Trump ayaa qaaday tallaaabadii ugu horeysay isagoo ah madaxweyne, wuxuu saxeexay amar ah in is bedel lagu sameeyo ceymiska caafimaadkaa ee Obama uu aasaasay. Laamaha uu amray wuxuu u sheegay inay yaareeyaan dhaqaalaha dulsaaran ceymiska oo loo garanaayo Obamacare.

Hadal uu shalay ka jeediyay xafladdii dhaarinta, wuxuu sheegay inuu “dadka Amerika uu mudnaanta siinaayo”.

Wuxuu ballan qaaday “inuu wax la qabanaayo shirkaadaha Mareykanka ee “la deyriyay”.

Hase yeeshee, waxaa la filaayaaa in qiyaastii 200 kun oo qof inay ka qeybgalaan isu soo baxa dumarka ee Washington ka dhicidoono.

Qaban qaabiyayaasha waxay sheegayaan inay shaacindoonaan arrimaha isirka, iyo sinnaanta ragga iyo dumarka iyo arrimo kale.

Qodobadaas ayey u arkaan inay halis galayaan inta uu Trump maamulkaa hayo.

Dibad baxyo ka dhan ah Donald Trump ayaa waxay ka socdaan dalalka Australia, New Zealand iyo Japan.

Dibad baxyada waxaa qaban qaabiyay dumar dalalkaas ku kala nool.

Dibad baxa ugu weyn wuxuu ka socdaa magaalada Sydney, halkaas oo kumannaan qof oo Trump diidan ay isugu soo bexeen.

Mudaaharaadyada waxay ku saabsan yihiin weerarada la sheegay in Trump uu dumarka ku qaaday iyo dabeecadaha xaqiraadda.

Dadka waxay isugu tageen safaaradaha Mareykanka ee magaalooyiinka ay dibad baxyada ka socdaan.

Waxaa la sheegayaa in caalamka oo dhan ay ka dhicidoonaan 700 oo isu soo baxyo dumar ay dhigayaan oo Trump ka dhan ah.

Gudaha dalka Mareykanka, waxaa la filayaa in isu soo bax weyn oo tobannaan kun oo qof ay kaa qeybgaalaan uu ka dhaco magaalada Washinton.

Xilligii dhaarinta ay socotay waxay dibad baxyo ka dheceen qeybo ka mid ah Mareykanka, sida Seattle halkaaas oo hal qof uu ku dhaawacmay. Dhanka UK, dumarka waxaa la filayaa inay isugu soo baxaan magaalada london, taas oo qeyb ka ah ololaha caaalamka ee ka dhanka ah maalintii ugu horeysay ee madaxtinimada Donald Trump.

Magaalada london shalay waxaa ka dhacay isu soo bax ay dad badan ku qabteen safaaradda US ee halkaasi ku taalla.

Comments are closed