|

Wasiir Xukuumadda Katirsan Oo Weji Gabax Kala Kulmay Kulan Madaxtooyada Ka Qabsoomay Oo Dibada Looga Saaray

Hargaysa 21. Janaury 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaarada warfaafinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(caddaani), ayaa dibadda looga saaray fadhi ka caagan xubnaha golaha wasiirrada oo maalinimadii khamiistii lagu qabanayey hoolka shirarka ee aqalka madaxtooyada, sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ahi.

Sida aanu xogta ku hayno waxa uu wasiir Caddaani subaxii khamiistii dorraad kusoo kallahay aqalka madaxtooyada, waxana uu markiiba ku badhay hoolksa shirarka ee madaxtooyada oo uu madaxweynuhu shir kula lahaa xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka iyo saddexda murrashax ee xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, halkaas oo uu waxoogaa sheeko ah kula yeeshay madaxdii goobta ku sugnayd.

Wada-sheekaysi iyo kaftan badan oo wasiirka iyo xubnihii kale ee goobta ku sugnaa dhexmaray kadib, waxa madasha soo galay madaxweyne Siilaanyo oo isagu la ballansanaa saddexda guddoomiye xisbi iyo komishanka, waxana salaam gaaban kadib uu madaxweynuhu fadhiistay goobtii loo astaayey inuu madasha ka fadhiisto.

Xogta aanu hayno ayaa intaas ku dartay inuu wasiir Caddaani jeclaystay inuu kulankaas ka qaybgalo, balse markii uu kici waayey ay xubin komishanka doorashooyinka katirsani si cad ugu sheegtay inaan goobta looga  baahayn, isla-markaana ay waajib tahay inuu kulanka dibadda uga baxo, maadaama arrimo xaasaasi ah meesha lagaga hadlayo.

Wasiir Caddaani, ayaa waxoogaa jidh-diiday inuu kulanka ka baxo, una hoggaansamo codsiga xubnaha komishanka, balse markii uu qiil kale waayey waxa uu si cadho leh uga baxay kulankaas, waxana la arkay isaga oo cadho ka muuqato wajigiisa, isla-markaana ay ka muuqata jawi cusub oo ka duwan midkii qosolka badnaa ee uu caanka ku ahaa.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan inuu wasiir Caddaani markii dambe madaxtooyada ka baxay kahor intii aanu kulankaasi soo dhammaanin ee aan laga soo saarin natiijadii nuxurkeedu ahaa inaan wakhtigan doorasho qabsoomi Karin.

Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani, aayaa inta badan lagu yaqaanaa degdeg iyo caadifad dheeraad ah, waxana uu aad u jecel yahay inuu markasta oo arrin xaasaasi ahi jirto ka ag dhawaado madaxweynaha iyo xubnaha kale ee awoodda ku leh xukuumadda, balse haddana taasi kama mashquuliso shaqada uu qaranka u hayo, waxana uu kamid yahay wasiirrada shaqadooda ku fiican, marka laga yimaaddo inuu xagga qasriga u dhego nugul yahay.

Comments are closed